Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir weynaha horumarinta Caafimaadka Afrika

HomeWararka

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir weynaha horumarinta Caafimaadka Afrika

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir weyne

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in 49 katirsan Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeeladda dhexe
Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisey Gantaalkii Ugu Ridada Dheeraa (daawo)
Turkiga oo cambareyeey weraarki lagu qaaday Hoteelka Ellit

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir weyne looga hadlayay horumarinta Caafimaadka Afrika .

Shirkan waxa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika.

Hay’adda Africa CDCayaa ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada.

Shirkan ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen guud ahaan arrimaha caafimadka gaar ahaanna waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: