Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisey Gantaalkii Ugu Ridada Dheeraa (daawo)

Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisey Gantaalkii Ugu Ridada Dheeraa (daawo)

Wakaaladda wararka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap oo soo xiganaysa mas’uuliyin ka tirsan milatariga kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka dhacday gobolka Woqooyiga Pyongan oo ku yaala galbeedka dalkaasi.

Telefishinka dalka Japan ee NHK News oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Japan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in gantaalkaasi uu ku dhacay biyaha dhul lahaanshihiisu uu sheegto dalka Japan.

Mas’uul ka tirsan dowladda Japan ayaa warbaahinta u sheegay in gantaalkaasi uu socday muddo 40 daqiiqo ah, isla markaan ay suurtagal tahay in uu ku dhacay badda Japan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com