Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in la caawiyo dadka kusoo barakacay magaalada Cadaado

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in la caawiyo dadka kusoo barakacay magaalada Cadaado

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, a

Ardayda iskuuladda Qardho oo maanta u Fariistay Imtaxanadka Fasalka Kowaad (dhegayso)
Ciidamo AMISOM Ka tirsan oo Qarax duleedka Muqdisho lagula eegtay
Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo heshiis gaaray

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

U jeedka safarka Ergeyga ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeygu wuxuu kormeer ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaada, Sida xerooyinka Bari iyo Xarardheere oo barakacayaasha ku jira ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah oo u baahan gargaar iyo garab istaag degdeg ah.

Waxa uu sidoo kale booqday Isbitaalka guud ee degmada Cadaado oo lagula tacaalayo carruur ay saamaysay nafaqo darradaa ka dhalatay abaaraha ka jira guud ahaan deegaanada ku hareeraysan.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Cadaado waa magaalo marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.

Ergayga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta, Dowladda, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay gurmad degdeg ah gaar siiyaan dadka tabaalaysan ee ku sugan Cadaado, si macaluusha soo wajahan looga hor tago.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: