Mareykanka oo Taliban ku wareejiyay Maxbuus Reer Afghanistan ah oo 15-sano Bilaa Xukun ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay

HomeWararka

Mareykanka oo Taliban ku wareejiyay Maxbuus Reer Afghanistan ah oo 15-sano Bilaa Xukun ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay

Mareykanka ayaa Maamulka Taliban ee Talada Afghanistan la wareegay in August 2021 waxa uu ku wareejiyay Maxbuuskii ugu dambeeyay ee dalkaas u dhashay

Somaliland oo ku dhawaaqday joojinta in salaadaha lagu tukado masaajidda
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Alshabaab oo goob fagaare ah ku toogatay shan ruux

Mareykanka ayaa Maamulka Taliban ee Talada Afghanistan la wareegay in August 2021 waxa uu ku wareejiyay Maxbuuskii ugu dambeeyay ee dalkaas u dhashay kuna xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla Dalka Cuba.

Washington oo Xabsigaan u dhisatay in ay ku ciqaabto Dad ay ku sheegtay in ay katirsan yihiin waxa ay reer Galbeedku ugu yeeraan Argagixisada waxaa ku xiran Muwaadiniin Dalal kala duwan kasoo jeeda oo waqti kala duwan uu xiray.

Asadullaah Haaruun, waxa ay sii deyntiisa ay ka dhalatay kaddib wadahadal dhexmaray Mareykanka iyo Taliban sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin ku dhaw sii deynta muwaadinkaan u dhashay Dalka Afghanistan.

29 jirkaan ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay 15-sano oo bilaa xukun ah waxaa lagu wareejiyay Mas’uuliyiinta dhinaca siyaasadda & wadahadalka u qaabilsan Taliban ee fadhigoodu yahay Magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qatar oo ah barta uu ka billawday wadahadalkaan.

Suhail Shaheen oo ah madaxa xafiiska Taliban ee Doha ayaa VOA u sheegay in ay tallaabadan soo dhoweynayaan, Mareykanka waxa uu ugu baaqay in ay sii deyso Maxbuus kale oo weli ku xiran Xabsiga Guantanamo bay ee Dalka Cuba.

Mareykanka ayaa Afghanistan ku duullay 7dii October sanadkii 2001-dii, kaddib markii weerar xooggan lagu burburiyay Daarihii Ganacsiga ee Mataanaha ahaa ee New York & Washington, 20-sano kaddib Mareykanka waxa uu ciidankiisa kala baxay 30kii August 2021.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: