Alshabaab oo goob fagaare ah ku toogatay shan ruux

Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay goob fagaare ah ku toogteen shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis.

Afartan ruux ayaa lagu toogtay fagaare ku yaal deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay waxaana goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku nool deegaanka Yaaq Baraawe.

Dadka la toogtay ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay;

1: Aadan Muuday Maxamad
2: Ayuub Xasan Maxamed
3: Maxamed Isxaaq Xasan
4: Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Xaakimiinta maxkamada Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dadkan ay qirteen dambiyada lagu soo oogay sidaa darteedna lagu fuliyay xadka ay lahaayeen oo ahaa dil.

Xubno ka tirsan Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Baay oo goobta ku sugnaa ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka lagu fuliyey ay qirteen dambiyada ay galeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com