Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika oo ka furmaya Itoobiya

Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika oo ka furmaya Itoobiya

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis-Ababa.

Janeraal Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Ethiopia Gen. Demelash Gebremicheal maadaama Ethiopia ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirka, isaga oo kaga hadli doona xaaladda Amni ee Soomaaliya, howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Booliska & wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada Booliska kale ee dalalka Afrika.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha kasoo qeyb gasha shirkaas, isaga oo kala hadli doona dib u dhiska iyo horumarinta Ciidamada Booliska Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com