Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay doorashooyinka kusoo wajahan

HomeWararka

Madaxweynaha Somaliland oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay doorashooyinka kusoo wajahan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka

Guddoomiyaha gobalka Mudug oo ka qayb qaadanay dhismaha garoonka Cawaale Gaalkacyo
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Shacabka Garoowe oo ka cabanaya Sicir Barar bahsan (Daawo)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulanka Xubno kamid ah golaha Wasiirada, waxaana Madaxweyne Muuse Biixi uu Xubnaha wafdiga uga mahad celiyay taageerada ay Somaliland siiyaan Midowga Yurub.

Somaliland ayaa waxaa dhawaan kusoo wajahan doorashoyinka Madaxtooyada, iyada oo xusid mudan tahay in ay isku khilaafsan yihiin Xukuumadda iyo Mucaaradka oo ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi in uu doonayo muddo korosi

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: