Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay ka hortageen Weerarradii badnaa ee Al-Shabaab

Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay ka hortageen Weerarradii badnaa ee Al-Shabaab

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo mudadii ay jirtay ay mudnaanta koowaad siiyay dhinaca sugida Amniga iyo Gaashaandhigga si loogu guuleysto Amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Kenyata ayaa hoggaanka dalka Kenya qabtay sanadkii 2013-kii wuxuu sheegay inay dadaal geliyeen sugidda amniga xuduudaha wadanka, taas oo keentay inay yaraadaan weeraradii ay Al-Shabaab uga qaadi jireen meelo kamid ah Gudaha Soomaaliya.

” Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay Kooxaha Argagaxisada ah ayuu yiri” Madaxweynaha Kenya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhamaan siweyn loo qalabeeyay Ciidamada Ammaanka dalkiisa
si ay uga falceliyaan caqabadaha iyo khatarrada soo foodsaara, isla markaana ay fursad u heleen
in Kenya ay ka mid noqoto xubnaha golaha ammaanka ee qaramada Midoobay

Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro kala duwan ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ay kujirto Magaalada Nairobi halka sidoo kale mararka qaarbay weeraraan Saldhigyada Ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka ATMIS ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com