Ciidanka NISA oo howlgal ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Gedo

Ciidanka NISA oo howlgal ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Gedo

Ciidanka hubeysan ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Duufaan ayaa howlgallo kala duwan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka kuligeen degaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Howlgalka oo uu hogaaminayay taliye xigeenka Ciidanka Nabadsugida Gobolka Gedo ayaa ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Aaga degaannada birtadheer,Qurac dheere ilaa goso weyne.
Oo qiysaatii ilaa 30 km u jirto degmada Beledxaawo.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Nabadsugida Gobolka Gedo ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay loogana hortagayay weerarada Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay sii wadi doonaan.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo oo ay gacanta kuhayaan Ciidamada dowladda ay geeysay Gobolkaas ayaa inta badan waxaa laga fuliyaa howlgallo kala duwan wallow aysan jirin dad lagu soo qabtay howlgalladaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com