Al-Cadaale: “Waxaan Haynaa Cadeymo Abaabul Ka Dhan Ah Ra’iisul Wasaaraha”

HomeWararka

Al-Cadaale: “Waxaan Haynaa Cadeymo Abaabul Ka Dhan Ah Ra’iisul Wasaaraha”

Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al- Cadaalla ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid walba oo ku kacdo arrimo aan sharci ahayn. ”Sarkaal walba oo i

TALOKEEN: Talooyinka ku saabsan Doorashooyinka 2021 (dhegayso)
Ciyaartow ka tirsan xulka qaranka Jabbuuti oo iska dhiibey dalka Faransiiska
Natiijada horudhaca ah ee doorashadii ka dhacday Puntland

Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al- Cadaalla ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid walba oo ku kacdo arrimo aan sharci ahayn.

”Sarkaal walba oo isku daya in uu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda ee dalka iskuna daya in uu xafiis gaar ah ugu adeego awooddiisa sarkaalnimo waxaa lagu qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Alcadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay in hayaan cadeymo la xiriira abaabul ka dhan ah ra’iisul wasaaraha taasoo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada;

“Ra’iisul Wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, oo ay ka soo shaqeeyeen, waxaan haynaa caddeymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno”
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in tilaabadii shaqada looga eryay xubnihi ka mid ahaa guddiga xallinta khilaafka ay ahayd mid lagu toosinaayay doorashada.

Wasiir Cadaala ayaa sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka qusayn arrinta guddiga doorashada heer federal ay xilka uga qaadeen gudoomiye Cirro.asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay isku maamulaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0