Qoyska Ikraan: “Awood Uma Lahan Xeer Ilaaliyaha Inuu Xiro Kiis Ka Furan Maxkamad”

HomeWararka

Qoyska Ikraan: “Awood Uma Lahan Xeer Ilaaliyaha Inuu Xiro Kiis Ka Furan Maxkamad”

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ugaga hadleen mowqifkooda ku aadan Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida

Xasan sheekh Madaxweynihii hore ee Somaaliya oo ka hadlay Shirkii Baydhabo
Waxgaradka Gaalkacyo oo taageeray Madasha runta iyo Cadaaladda (dhegayso)
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 96aad (dhegayso)

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ugaga hadleen mowqifkooda ku aadan Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida 21kii November 2021,waxana ay sheegeen in xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada uusan awood u lahayn inuu xiro dacwad ka furan maxkamad.

Qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in kiiska Ikraan Tahlil uusan weli duugmin oo ay u taagan yihiin sidii caddaalad ay ugu heli lahaayeen.

Waxa ay ehelka Ikraan Tahliil ay sheegeen in aysan ku qancin hadalka Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee soo baxay 21kii November 2021.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: