Xasan sheekh Madaxweynihii hore ee Somaaliya oo ka hadlay Shirkii Baydhabo

Xasan sheekh Madaxweynihii hore ee Somaaliya oo ka hadlay Shirkii Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhaba ee Golaha Amniga Qaran.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu sheegay inuu soo dhoweynayo shirkaasi, isagoo ku tilmaamay inuu yahay guul u soo hoyatay dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey madaxda Soomaalida ee saxiixay heshiisyada ay isla meel dhigeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN XASAN SHEEKH

Dhawaan waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka. Waxaan leeyahay waa guul usoo hoyatay dowladnimada Soomaaliyeed heer kastaba.

Waxaan bogaadinayaa Mas’uuliyiinta ku heshiiyay ee saxiixay heshiiyada dhaxalgalka ah ee halkaas lagu saxiixay.

Sidoo kale madaxda Waxaan ku dhiirrigelinayaa, waxa ay isla soo oggolaadeen iney ka gadaan hay’adaha iyo madaxda kale ee ay ku mataleen shirka si loo helo wadar-oggol waafaqsan xeerarka hadda jira iyadoo la sammeynayo ama la dhammeystirayo wixii dhimmaan xagga xeerarka si heshiisyadu u noqdaan kuwo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka dalkeenna la macaamilayo ku kalsoonaan karaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com