Nin Isku Qarxiyay Hooyadii Iyo Aabihii Gudaha Dalka Kenya

Nin Isku Qarxiyay Hooyadii Iyo Aabihii Gudaha Dalka Kenya

Saddex qof oo uu ku jiro qof isa soo miidaamiyay ayaa ku dhintay qarax ka dhacay ismaamulka Kisumu ee Galbeedka Kenya, sida ay booliisku xaqiijiyeen.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar iskhilaafsan oo ku saabsan qofka is qarxiyay iyo dadka uu isku qarxiyayba.

Taliyaha booliska ismaamulka Kisumu Karanja Muiuri ayaa sheegay in dadka dhintay oo kala ahaa nin iyo xaaskiisa ay ku dhinteen qaraxa fiidnimadii talaadada ee deegaanka Nyakach halka qofka weerarka geystay uu isna isla goobta ku dhintay kadib markii uu is qarxiyay.

Muirui ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu ahaa Joseph Odhiambo Ondiek oo loo yaqaan Pope, kaasoo u tagay guriga lamaanaha iyo gabar ay dhaleen halkas oo uu isku qarxiyay kadib markii uu su’aalo kooban uu weydiiyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu ku diley qaraxa hooyadii iyo aabihiis halka gabadha dhaawacantayna ay ahayd walaashiis.

Booliska ayaa sheegay in 44-jirka is qarxiyay looga shakisan yahay inuu ka soo laabtay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ka dhaca gobolka Bariga Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com