Faahfaahin: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

HomeWararka

Faahfaahin: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa lala beegsaday meel aan ka

Golaha Wasiirada Puntland oo maanta Ansixiyeey xeerka isgaarsinta (Daawo)
Yuusuf Hirad: “Puntland Dhismaheedda dhib baddanba kasoo marnay Xasan sheekh Afkiisa ku burburimayso”
Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil (dhegayso)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa lala beegsaday meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad.

Wararku waxa ay sheegayaan in khasaare uu kasoo gaaray ardeyda iyo macallimiinta Iskuulka Mucaasir oo goobta qaraxa uu ka dhacay ka ag dhawaa, iyo dad kale oo shacab ah.
Taliska ciidanka Boliiska ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu talisku soo bandhigi doono khasaaraha uu geystay qaraxaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil Cadaan ah iyo tababarayaa Millateri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: