HomeWararka

Axmed Madoobe: “Waxaan diyar unahay inaan Puntland kaga dayano Dimuqraadiyada”

Madaxwenaha Juubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland isagoo ku amaanay talaabada ay u qaadeen dhi

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray khilaafka Rooble & Farmaajo
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacaabay maqnaanshaha Ikraan Tahliil

Madaxwenaha Juubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland isagoo ku amaanay talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada taas oo degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka.

Talaabadan oo ah mid mudo dheer ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed waxaa hada muuqata rajo weyn oo ah in meelaha duruufaha amniga iyo siyaasadu ay saamaxayaan laga qaban karo Doorashooyinka shacabku ay kusoo xulanayaan cida matalaysa.

waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan.
Doorashooyinka dadweynaha waa fursad weyn oo shacabka loogu dhawaynayo awooda xukunka si ay usoo saaran hogaamiyayaasha ay ka dhex arkaan himilooyinkooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: