BOOSAASO: Qaraxa lala eegatay Ciidamo u socday deegaanka Af-urur

HomeWararka

BOOSAASO: Qaraxa lala eegatay Ciidamo u socday deegaanka Af-urur

Wararka naga soo gaaraya deeganka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in kolonyo Ciidamada Puntland ah oo kusi

MADAXWEYNAHA OO WARBIXIN KA DHEGAYSTAY GUDDIGA DIB-U-HABEYNTA SHAQAALAHA DOWLADDA.
Kheyre oo kula kulmay Dhuusamareeb Francisco Madeira
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay safarka Madaxweyne Saciid Deni ee Muqdisho (Daawo)

Wararka naga soo gaaraya deeganka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in kolonyo Ciidamada Puntland ah oo kusii jeeday deeganka Afurur qarax miino lagula beegsaday halkaasi.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo kamid ahaa Ciidamadii gaariga saarnaa, qaraxa kadib ayay Ciidamadu fureen rasaas xoogan oo aan cidna waxyeelo gaarsiin.

Qaraxan lala beegsaday ciidamada Puntland ayaa kusoo aadaya xilli saaka waaberigii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari, sida ay ku daabaceen Warbaahinta ku hadasha afkooda.

Dowladda ilaa iyo haatan wax faahfaahin ah kama ayasan bixin warkan.
Diiwaanka Wararka.
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: