Puntland oo shir deg deg ah ka yeelatay Amniga doorashooyinka

HomeWararka

Puntland oo shir deg deg ah ka yeelatay Amniga doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Gallanayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha h

RW Xasan Cali Khayre oo ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka (dhegayso)
Barnaamijka Badbaado: Qeybta 2aad Doorka dhallinta ee Nabadeynta & Dimoqraadiyenta Dalka
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Gallanayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho kuwaas oo dhawaan qabsoomaya.

Shirka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka (TPEC) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni oo ay ka mid yihiin Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale oo amni.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka Dawladdaha Hoose ee soo foodaleh.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: