Itoobiya oo la kulantay cambaareyn Caalami ah

HomeWararka

Itoobiya oo la kulantay cambaareyn Caalami ah

Dowladda Itoobiya ayaa la kulmeysa dhaleeceyn kadib go’aankii ay ku cayrisay toddoba sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay markii ay ku eedeysay in a

Madaxweynaha Deni oo Gaaray Gobolka Mudug “Buurtinle waa ku mahadsan-tahay in ay Hirgelisey TAYAYN IYO TIIGSI oo ay nabaddii tayeysay”
Madaxweynaha DFS oo khudbad ka jeediyeey daahfurka wada hadallada DFS iyo Somaliland
Caawa & Daljir iyo Axmed Shakeeye Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Itoobiya ayaa la kulmeysa dhaleeceyn kadib go’aankii ay ku cayrisay toddoba sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha dalkeeda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay uu ka digay in boqolaal kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray laga yaabo in lagu qasbo macluul maadaama dowladda Itoobiya ay xanibtay gargaarkii la siin lahaa meelaha ay dhibaatadu saameysay.

Hay’adda Refugees International ayaa sheegtay in cayrinta shaqaalaha Qaramada Midoobay ay abuuri doonto firaaq si weyn u saameyn doona dadaallada beesha caalamku ay gacan uga geysanayaan fududeynta waxa ay ku sheegtay dhibaatada bani’aadamnimo ee sii kordheysa.

Ururka caalamiga ah ee Refugees International ayaa sidoo kale ugu baaqaya xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cadaadis ku saaraan dowladda Itoobiya inay joojiso xayiraadda gargaarka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: