BOOSAASO: Askari dad shacab ah ku dilay goob fagaare ah

HomeWararka

BOOSAASO: Askari dad shacab ah ku dilay goob fagaare ah

Askari ka tirsan ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa xabbad ku dhuftay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ayaanle Jaamac Cumar, wuxuuna sidoo kal

Mid kamid ah waxgaradka Milxo: “Dowladda Puntland gurmad fiican ma siin dadkii musiibadu qabsatay”
Madaxweynaha Galmudug oo Garoowe lagu soo dhaweyeey (Sawiro)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Askari ka tirsan ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa xabbad ku dhuftay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ayaanle Jaamac Cumar, wuxuuna sidoo kale dhaawacay Bashaar Cali Cawad oo marxuumka la socday.
Bogga Faceboog ee Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa lagu daabacay warkan, wuxuuna Boolisku sheegay in xabsiga la dhigay askarigii falkan geystay
.
Lama sheegin sababta askarigan uu udilay Marxuumka.

Garowe maalmo kahor ayay ahayd markii askari ka tirsan ilaalada Madaxweyne Deni uu xabbad ku furay Maryan Axmed Caato oo ahayd Ardayad Jaamacadeed.
War ka soo baxay Booliska Bari ayaa lagu yidhi:

“Booliiska gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaa ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo caawa askari ay kaga dhacday xabbad, waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar Cali Cawad oo marxuumka la socday.
Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan, wixii faahfaahin ah waxaan idiin gudbin doonaa marka baaristu dhamaato insha allah”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: