BARAAWE : 7 Qof oo ku dhintay qarax miino oo dhulka lagu Aasay

HomeWararka

BARAAWE : 7 Qof oo ku dhintay qarax miino oo dhulka lagu Aasay

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax ka dhashay miinada dhulka la geliyo uu ka dhacay deegaanka Ambresso e

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shacabka xaafadda 18aad ee Jigjiga oo jidadka dayactiranaya
Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe (dhegayso/daawo)

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax ka dhashay miinada dhulka la geliyo uu ka dhacay deegaanka Ambresso ee duleedka magaalada Baraawe.

Qaraxa oo ka dhacay meel ay degenaayeen maleeshiyaad deegaanka ah ayaa waxaa uu sababay dhaawac soo gaara qaar ka mid ah maleeshiyaadka loo yaqaan macawisleyda.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xerada uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in 7 Ruux oo ah Ciidmada ku sugnaa goobta ay qaraxa ku dhsawacmeen.

“Qaraxan waxaa ka dambeeyay Kooxda Alshabaab waana sii wadaynaa la dagaalanka Alshabaab.”ayuu yiri Aadan Cumar oo la hadlay warbaahinta.

Qaraxaan ka dhacay tuulada Ambareeyso ee degmada Baraawe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay magaalada Marka uu ka dhacay qarax uu ku dhintey ruux la sheegay in uu diyaarinayay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: