Muqdisho: Qoorqooor & Laftagareen oo wada dadalo lagu xalinayo khilaafka madaxda Sare

Muqdisho: Qoorqooor & Laftagareen oo wada dadalo lagu xalinayo khilaafka madaxda Sare

Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa wada dadaalo loogu kala dab-qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo kulamo la yeelanayay labada dhinac tan iyo xalay

Kulankii ugu saacadaha badnaa ayaa caawa dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aan la isku afgaran qorshayaal bilow u ahaa dhex dhexaadin iyo isu soo dhoweynta labada dhinac oo ay wadeen Qoorqoor iyo Lafta Gareen.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu wali mowqifkiisa taagan yahay, kuna adkeysanayo go’aamadiisa hore.

Hase yeeshee warar aan ka helayno ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in laga yaabo in maanta ay kulan fool ka fool ah yeeshaan Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com