Jowhar oo Amaankeeda la adkeyeey & doorashadda Aqalka sare oo ka dhacaysa

Jowhar oo Amaankeeda la adkeyeey & doorashadda Aqalka sare oo ka dhacaysa

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka booliska ayaa ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Maalinta berri ayaa lagu waddaa in hadal jeedinta Musharaxiinta ay ka bilaabato magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ka socotay diwaangalinta musharaxiinta maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in laamaha Amniga ku amray xaqiijinta ammaanka inta ay socoto doorashada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com