Madaxweyne Deni: “Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmeen Siyaasadda”

Madaxweyne Deni: “Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmeen Siyaasadda”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay isbedelada dhanka amniga ah ee kajira Gobolka Mudug oo horay ay uga dhaceen qaraxyo iho dilal qorsheysan oo loo geystauly mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Madaxweyne oo ka hadlayau kulan ka dhacay Gaalkacyo oo uu la qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu sheegay in markii hore howlgallada Ciidamada ee Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo kala dhan taallan, balse ka maamul ahaan ay iabedel ku saneeyeen.

Waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada Puntland ee ka howlgalla Gobolka Mudug ay yihiin kuwo wadashaqeeya, sidoo kalena looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan dadka falalka Amni darro kanl geysta degaannada Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in la galayo waqti doorasho, waxaana uu Ciidamada uga digay inay ku milmaan siyaasadda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli bilihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Gaallacyo la shregay inay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com