Wararkii Ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19 ee Dalka Soomaaliya

HomeWararka

Wararkii Ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19 ee Dalka Soomaaliya

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ug

RW khayre oo sagootiyeey ciidamo howlgal loo diyariyeey. (Daawo)
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO 10-JULY-2022
Garoowe oo roobsatay iyo jawiga oo ay naftu macaan sanayso (dhaawo)

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay kiisaska cudurka COVID-19 ee la diiwaan geliyey 24-kii saac ee ugu dambaysay waxa ay ku sheegtay in 21 ruux ay u dhinteen cudurkan.

Warbixinta wasaaradda waxaa lagu sheegey in baaritaanadii u dambeeyay laga helay cudurkan dad gaaraya 326 ruux.

Dadka laga helay cudurkan ayaa warbixintu ay sheegtay in 133 ka mid ah ay joogaan Somaliland,Banaadir 86, Puntland 38,Jubbaland 29, Galmudug 26 iyo Koonfur Galbeed oo laga diiwaan geliyey 14-kiis.

159 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 167 ay dumar yihiin, sidoo kale 128 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka.

Tirada Guud ee Laga Helay cudurkan dalka Soomaaliya ayaa gaartay 18,273 Bogsashada Guud: 8,926. Dhimashada Guud: 1,017 qof.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: