CAABUDWAAQ: Booliska oo gacanta kusoo dhigay Nin maanta dil gaystay

CAABUDWAAQ: Booliska oo gacanta  kusoo dhigay Nin maanta dil gaystay

Ciidamada Booliska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta kusoo dhigay Nin dil ka gaystay maanta magaalada.

Ninkan ayaa rasaas ku furay Nin kale oo ay is maandhaafeen kadibna ka baxsaday goobta sida ay Daljir u xaqiijiyeed dad goobjoogayaal ah.

Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug, balse mararka qaar waxaa ka dhaca dilal aanooyin qabiil la xiriira iyo dagaal beeleedyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com