Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Qaraxii Muqdisho

Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Qaraxii Muqdisho

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo uu jirey qofkii is qarxiyay, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Gaashaanle Cabdifataax afhayeenka cusub ee ciidamada booliska ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in dadka dhintay iyo kuwa dhaawac soo gaaray ay ahaayeen shacab ku qaxweynayay maqaayadda.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada amniga ay gaareen durba goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno ku aadan haraadiga waxyaabihii qaraxa ku saabsanaa, isagoo tilmaamay inay argagixisada Al-Shabaab ay caado ka dhigteen xasuuqa shacabka, balse ciidamada amniga ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaashaanle Cabdifataax ayaa shacabka ku booriyay inay labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com