Maraykank oo kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

HomeWararka

Maraykank oo kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa maanta markale duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan ay saldhig ku lahaayeen dagaalamayaasha Alshaba

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Xubnaha ugu muhiimsan Golaha Wasiirada Britain oo markii ugu horreysay laga waayay nin cad.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa maanta markale duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan ay saldhig ku lahaayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay duleedka Qeycad ee gobolka Mudug.
War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Al Shabaab uuna kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

“Duqeyntan waxaa lagu bur buriyay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab waxaana lagu wiiqay awoodii Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada federalka.

Duqeynta ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Mudug ayaa ah kii saddexaad ee ay ka fuliyeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dhowaan ayaa wasiirka gaashaandhiga Maraykanka waxa uu sheegay in duqeynta ay ka fulinayaan gobolka Mudug uu yahay mid ay ku taagerayaan ciidamada dowlada ee howlgalada ka wada Galmudug.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ay Ciidamada kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in hwolgallada oo weli socda ay hoggaaminayaan Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo Janeraal Saadaq Joon iyo saraakiil kale, isla markaana 18 Goobood oo isugu jira degmooyin iyo degaano lala wareegay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: