Maxay ka wada hadleen Rooble, Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Rooble, Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wa

Itoobiya Airlines oo mudo 41 Sanno Kadib duulimaadkeeda ka bilaabaysa Muqdisho (Sawiro)
Wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Amniga soomaaliya oo Garoowe lagu soo dhoweeyey (Daawo/Sawiro)
Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo kulankaasi loogaga hadlay khilaafka siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu soo dhigey bartiisa Afhayeenka xukuumada federalka Maxamed Ibraahin Macalimuu ayuu ku sheegay in kulankan uu ahaa mid uu ra’iisul wasaaraha ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu ka digey in la qabto doorasho hal dhinac ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: