Madaxweynayaasha Puntland iyo Koofurgalbeed oo safar dibadda ah u ambabaxay

HomeWararka

Madaxweynayaasha Puntland iyo Koofurgalbeed oo safar dibadda ah u ambabaxay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa booqasho ugu ambabaxay wadamada Ken

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Somaaliya
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Camey oo Shir ka daahfuray Garoowe (Sawiro)
Maraykanka oo duqaymo ku dilay Saraakil Alqaacida katirsan (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa booqasho ugu ambabaxay wadamada Kenya iyo Nigeria.

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Nairobi dalka Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa gaaray caasimada dalka Nigeria kadib markii uu shalay ka ambabaxay caasimada dalka ee Muqdisho.

Lama shaacin ujeedada safarka Madaxdan ay dalka ugaga tageen iyadoo haatan ay socoto diyaargarowga loogu jiro doorashada lagu wado in dalka ka bilaabato dhamaadka bishan July.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa hore ugaga maqna dalka maalmihii la soo dhaafay isagoo ku sugan dalka Turkiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: