Maxaa looga hadlay kulanka baarlamaanka Galmudug ee maanta?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay kulanka baarlamaanka Galmudug ee maanta?

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaay ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug Kul

Axmed Madoobe “Dowladda Soomaaliya balan ayay iga baxday”
Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo Fariin u diray xildhibaanada
Alshabaab iyo Ciidamada dowladda oo gobalka Hiraan ku dagaalamay (dhegayso)

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kulan koodii caadiga ahaay ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlinaayeen Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug

Akhrinta 2aad ee Hindise
Sharciyeedka Shaqaalaha Galmudug
Bandhiga iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka Galmudug
Akhrinta 3aad iyo Ansixinta Hindishe Sharciyeedka Nidaaminta & Naqshadeynta Magaalooyinka Galmudug.
Guddiga howlaha guud, wadooyinka iyo Dekedaha ayaa Baarlamaanka ka codsaday meel marinta Hindishe Sharciyeedka Nidaaminta & Naqshadeynta Magaalooyinka Galmudug kadib markii ay dib u eegis ku sameeyeen, xildhibaanada Galmudug ayaana sharcigaan meel mariyay

Wasiir Dowlaha wasaarada howlaha Guud iyo Guryeynta Galmudug mahad xassan nuur shiikh yuusuf ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay ansixinta hindise Sharciyeedka Nidaaminta & Naqshadeynta Magaalooyinka Galmudug.

Sidoo kale Guddiga arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa xildhibaanada ka hor aqriyay qodobadii ay kasoo saxeen iyo kuwa ay ku kordhiyeen sharciga Shaqaalaha Galmudug oo ay wasaarada shaqada iyo shaqalaha usoo gudbisay Baarlamaanka Galmudug

Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug usoo gudbisay sharciga Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: