Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir? (dhegayso)

HomeWararka

Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir? (dhegayso)

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xi

Shirki Madaxda Maamul gobaleedyada iyo kuwa Qaranka Wajigiisa labaad oo Furmay
Toos: Khudbadihii musharaxiinta madaxwaynaha oo kasocda xarunta baarlamaanka (daawo)
Weriyihii Aljazeera ee Daanta Galbeed Shariin Abu Caqiil oo la dilay

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada lagu ballansanyahay inay dhacdo dhammaadka sannadkan.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa haddana markale u taagan tartankaas, iyadoo uu wado olole aad u ballaaran oo ku doonayo inuu ku hanto kursiga looga arrimiyo Soomaaliya ayaa dadka wax falanqeeyaa ay ku tiriyaan inuu yahay musharaxiinta ugu miisaanka culus.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Musharaxa masuuliyiin ka tirsan Dowladda , Ganacsato, Waxgarad, Oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenka ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo loosii galbiyey xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir isla markaasna dhex lugeeyey taageerayaal aad u farabadan oo oo sitay boodhadh ay ku qoranyihiin hadallo soodhaweyn iyo taageero musharaxnimadiisa ku saabsan.

Wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan Wabari ayaa warbixintan ka diyaariyay.
Dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: