Dilka Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka koonfur africa oo kordhay

HomeWararka

Dilka Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka koonfur africa oo kordhay

Mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa lagu diley gobolka Limpopo iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee keentay

Xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay
Mareykanka oo ka baxaya heshiiskii Turkiga ee diyaaradaha F-35
Madaxweynaha Hiirshabeele oo Muqdisho kula kulmay Masuuliyiin ka tirsan DFS

Mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa lagu diley gobolka Limpopo iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee keentay dilkiisa.

Ganacsadaha la diley ayaa la oran jirey Maxamed Cali Kaariye waxaana lagu diley meel ku dhow goobta uu ganacsiga ku lahaa.

Dadkii ka dambeeyay dilka ganacsade Kaariye ayaa goobta ka baxsaday iyadoo xilli dambe ay gaareen goobtaas ciidamada booliska Koofur Afrika.

Dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa ah mid sii socda iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay caadi ka noqotay dilka ganacsatada Soomaalida ah dalka Koofur Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: