Xasan sheekh oo sheegay in Mukhtaar Roobow la afduubtay

HomeWararka

Xasan sheekh oo sheegay in Mukhtaar Roobow la afduubtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay xarriga Mukhtaar Roobow mid afduub ah oo sharci darro ah isla markaana u xira

Hal qof oo ku geeriyooday Burtile, khasaare hanti iyo dhaawac ayaa jira
Garaad Maxamed Cabdulaahi Cali “Taladda an balaarino shir guudna waa in la isugu yimaada
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay xarriga Mukhtaar Roobow mid afduub ah oo sharci darro ah isla markaana u xiran arrimo siyaasadeed.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga weydiyay xiritaanka Mukhtaar Roobow, xilli uu ka qeybgalayay barnaamij ka socday barta Twitter Space ayaa sheegay in sidii loola tacaalay Mukhtar aanay sax aheyn.

“Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.”

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaa ku daray in arrintan ay gebi ahaanba curyaamisay go’aannada laga yaabo in ay qaataan saraakiisha sar sare ee ka tirsan Al Shabaab, ee ku saabsan in dowladda ay isku soo dhiibaan.

“Dowladda Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: