Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Wajiga labaad ee dhismaha Garoonka Ciyaaraha Garoowe (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Wajiga labaad ee dhismaha Garoonka Ciyaaraha Garoowe (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Garoonka kubadda Cagta Garoow

RW Rooble oo booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi
Kooxo hubaysan oo dil ka gasytay Magaalada Beledweyne & faah faahin laga helayo
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl god ma loo galaa! (Taxanaha 41aad – maqal & muuqaal)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Garoonka kubadda Cagta Garoowe ee Mire Awaare.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale furay Horyaalka kubadda cagta ee Puntland oo ay ku tartamayaan 9 Kooxood oo heerka kowaad ah, taasi oo galabta lagu bilaabay Kooxaha Boosaaso FC iyo Garoowe FC oo ciyaartii koowaad ku dhameystay barbardhac Labo iyo Labo ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qabteen guddigii dhismaha garoonka Mire Awaare wuxuuna guddoonsiiyay Abaalmarin, isagoo ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dhismaha garoonka . Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhiirrigeliyay kooxaha ka qeybgalaya tartanka horyaalka kubadda cagta ee Puntland.

Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa munaasabadda ka shaaciyey in 1-da August uu Garoowe ka furmi doono tartanka kubadda Cagta ee Gobolada Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jira Goleyaasha Puntland, Xubno ka socda DFS, Taliska Ciidamada Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Masuuliyiinta Ciyaaraha ee Puntland, marti sharaf kale iyo taageerayaasha kooxaha ciyaaraya oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: