Kooxo hubaysan oo dil ka gasytay Magaalada Beledweyne & faah faahin laga helayo

HomeWararka

Kooxo hubaysan oo dil ka gasytay Magaalada Beledweyne & faah faahin laga helayo

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay Maanta kudileen Askari katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaali

Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (daawo)
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo wax laga xumaado ku tilmaamay gumaadka lagu hayo dumarka (Daawo)
Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay Maanta kudileen Askari katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Askariga oo Magaciisa lagu soo koobay Indha-xaraar ayaa goobjoogayaal sheegeen in xilliga la dilayay uu marayay wadada Buulayacquub ee Xaafada Buundoweyn ee Magaalada Beledweyne, isla markaana raggii ka dambeeyay dilka ay horay u sii qaateen Qoray AK47 ah oo uu watay.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo Millateriga ee kusugan Beledweyne ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Askariga, waxaa sidoo kale ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aysan dad u qaban dilkaas.

laamaha Amniga & Maamulka Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dilkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in dhowr jeer lagu dilay Magaalada Beledweyne Askar iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: