RW Rooble oo la kulmay xubnaha midowga musharixiinta

RW Rooble oo la kulmay xubnaha midowga musharixiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta.

Xubnaha oo la kulmay ayaa kalaa Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in si deg deg ah guddiga looga saaro xubnaha ay tuhsan yihiin.

Sidookale Ra’iisulwasaare ayaa ballanqaaday in baaritaano rasmi ah ay ku sameyn doonaan shaqsiyaadka loo soo gudbiyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com