Sheekh Shariif: ”Dalka Soomaaliya waxaa laga badbaadiyay dagaalo sokeeye”

Sheekh Shariif:  ”Dalka Soomaaliya waxaa laga badbaadiyay dagaalo sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho si dalka uu u aado doorasho loo dhan yahay.

Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu sagootinayay Madaxda dowlad goboleedyada ayuu uga mahad celiyay doorkii ay ka qaateen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in dalka uu ka bad baaday dagaal sokeeye maadaam laga heshiiyay arimihii doorshada.

“ Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida Ciidamada Qalabka sida, Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaan soo marnay marxalad culeyskeeda leh laakin aan u mahad celinayaan dadkii ka hortegay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com