Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa caawa Fiidkii gaaray Muqdisho si uu qeyb oga noqdo wada hadalada u dhaxeeya Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Fedraalka ah ee la filayo in saacadaha soo socda ay ka furmaan Caasimadda Muqdisho.

Sido Kale Madaxweynaha Puntland & Madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada ayaa la qorsheynayaa iney berri kasoo dagaan Muqdisho.

Garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com