Madaxdii hore ee dalka oo kulan ku yeeshay Muqidisho

HomeWararka

Madaxdii hore ee dalka oo kulan ku yeeshay Muqidisho

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee

Gaari ku qarxay meel u dhow deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Madaxwaynaha Puntland iyo shacabka oo dhaqaalle ugu deeqay dhisme waddo oo Bosaso ah

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Inta uu socda kulanka labada Madaxweyne hore ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiskii uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Qodobada ay ka hadleen labada Madaxweyne ayaa sidii kale looga hadlay sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka wadatashida qaran loo ballansan yahay inuu 20-ka May ka dhaco Magaalada Muqdisho iyo arrimo oo kale gaar u ahaa.

Kulanka Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid Xisbiyada ay labada Madaxweyne kala hoggaamiyaan.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyada oo ay socdaan qorshayaasha loogu diyaar garoobayo qabsoomida Shirka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roooble isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada dalka si loo xaliyo khilaafka taagan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: