Muqdisho: Saraakiishii ku dhimatay qaraxii saldhiga Waabari oo la Aasay (Sawirro)

HomeWararka

Muqdisho: Saraakiishii ku dhimatay qaraxii saldhiga Waabari oo la Aasay (Sawirro)

Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuraha Isbitaalka Xoogga waxaa Aas qaran loogu sameeyay taliyahii saldhiga Booliska Degmada Waaberi Axmed C

Wasiirka Caafimaadka Britain oo laga helay cudurka Coronovirus
TOON-XABALAN WARDHEER DOLLO / wareysi wax garadka toon- xabalan degmada wardheer
Waa maxay howlaha horyaala Duqa cusub ee degmada Buuhoodle? (dhegayso)

Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuraha Isbitaalka Xoogga waxaa Aas qaran loogu sameeyay taliyahii saldhiga Booliska Degmada Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo saraakiishii kale ee ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay saldhiga Booliska ee degmada Waabari.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ehelada saraakiishii qaraxa lagu dilay iyo qaar kamd ah shacabka Muqdisho.

Qarixii ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay lix Ruux oo isugu jira Saraakiil, Askar iyo Shacab, waxaana laamaha Amniga sheegeen inay wadaan baritaano la xiriira sida uu ninkaasi goobta kusoo gaaray.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

Sawirro.

Mu

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: