DFS oo beenisay in la fasaxay qaadka ka baxa dalka Kenya

DFS oo beenisay in la fasaxay qaadka ka baxa dalka Kenya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay fasaxda qaadka loo yaqaan Miirowga ee ka baxa dalka Kenya,kadib markii ay dowlada la soo ceshatay xiriirka diblumaasiga dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in Miraa la keeno garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya ayada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki dooni ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe kasoo saari doono.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa imanaya ayada oo Khamiistii 6-dii May ay dowladda federaalka sheegtay inay dib usoo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com