Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shaacisay kisaas cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shaacisay kisaas cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 18 Ruux, Puntland 23 qof, Banaadir 4 Ruux , Hirshabeelle: 1 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 1 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 30 Rag ah iyo 17 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 2 ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 39 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,415 xaaladood 747 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,191, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com