Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shaacisay kisaas cusub oo COVID-19 ah

HomeWararka

Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shaacisay kisaas cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliya

Buuga manhajka dugsiga hoose ee Puntland oo la dhamaystiray.(Daawo)
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 18 Ruux, Puntland 23 qof, Banaadir 4 Ruux , Hirshabeelle: 1 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 1 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 30 Rag ah iyo 17 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 2 ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 39 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,415 xaaladood 747 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,191, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: