Wasiirka Cadaaladda DFS oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

HomeWararka

Wasiirka Cadaaladda DFS oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Ji

RW Rooble oo magacaabay Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha
Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Wasiirka Difaaca Kenya?
Hadaljeedinta Duqa degmada Bosaaso Abdifatah Mohamed Osman (Shanle)

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian ayaa waxa ay is kula soo qaadeen xoojinta xariirka iyo wada shaqaynta ka dhexeysa labada Dowladood iyo in dowladda Shiinaha ka qayb qaadato horumarinta hay’adaha Cadaalada iyo Garsoorka dalka.

Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa safiirka uga warbixiyey xaaladihii ugu dembeeyey ee dalka. isagoo si kooban u dul istaagay shaqooyinka ka socda Hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya Danjire Qin Jian ayaa bogaadiyey dadaallada lagu adkaynayo dowladnimada ee socda, isagoo balan qaaday in Shiinaha uu qayb weyn ka qaadan doono dhismaha Maxkamadaha hay’adaha Garsoorka iyo tababar siinta shaqaalaha Wasaaradda iyo Garsoorayaasha ka shaqeeya xarumaha Cadaaladda

Wasiiirka Cadaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mudooyonkaan waday tilaabooyin lagu horumarinayo xarumaha Cadaaladda iyo garsoorka ee loogu adeegayo bulshada Soomaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: