RW Rooble oo magacaabay Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha

RW  Rooble oo magacaabay Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Agaasimaha Cusub ee Habmaamuuska Xafiiskiisa Maxamed Faarax Sabriye,isagoo ka mid noqonaya Agaasimayaasha ka howlgala Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mas’uulkaan Cusub ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, waxaana magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ay noqoneysaa midii saddexaad uu saameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay Afhayeenka Xukuumadda u magacaabay inuu noqday Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah Wariye Rug-cadaa oo muddo badan kasoo shaqeeyay saxaafada dalka iyo dibadda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa isla shalay Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com