Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Wasiirka Difaaca Kenya?

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Wasiirka Difaaca Kenya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane

Dadweynaha Burtinle & Aqoonsiga SSC-Khaatumo
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-Shabaab deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: