Baadiyow: “muddo kordhinta waxaa ka dhalan kara dagaal sokeeye”

HomeWararka

Baadiyow: “muddo kordhinta waxaa ka dhalan kara dagaal sokeeye”

La taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Dr. C/raxmaan Baadiyow ayaa ka digay muddo kordhinta lagu dhawaaqay inuu dalka u horseedo dagaal sokeeye. D

Farmaajo oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare
Madaxweynaha Sudaan oo xalad deg deg ah ku soo rogay dalkiisa
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

La taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Dr. C/raxmaan Baadiyow ayaa ka digay muddo kordhinta lagu dhawaaqay inuu dalka u horseedo dagaal sokeeye.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in muddo kordhinta ay wiiqeyso sharciyadda, midnimada dalka iyo dimoqraadiyadda.

“Muddo kordhinta lagu dhawaaqay ee hay’adaha la doorto ee dalka, waxey wiiqaysaa sharciyadda, midnimada iyo dimoqaradiyadda. Waxaa ka dhalan kara dagaal sokeeye. Inta niyadda san oo aan ogeyn waxa ka dhalan kara tilaabadaas, ha ogaadeen iney waddo khaldan uhorseedeen dalka”ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn iyo diidmo lagala horyimid gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay abaabulo ciidan iyo xiisad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: