Baadiyow: “muddo kordhinta waxaa ka dhalan kara dagaal sokeeye”

La taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Dr. C/raxmaan Baadiyow ayaa ka digay muddo kordhinta lagu dhawaaqay inuu dalka u horseedo dagaal sokeeye.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in muddo kordhinta ay wiiqeyso sharciyadda, midnimada dalka iyo dimoqraadiyadda.

“Muddo kordhinta lagu dhawaaqay ee hay’adaha la doorto ee dalka, waxey wiiqaysaa sharciyadda, midnimada iyo dimoqaradiyadda. Waxaa ka dhalan kara dagaal sokeeye. Inta niyadda san oo aan ogeyn waxa ka dhalan kara tilaabadaas, ha ogaadeen iney waddo khaldan uhorseedeen dalka”ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn iyo diidmo lagala horyimid gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay abaabulo ciidan iyo xiisad.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com