Farmaajo oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare

Farmaajo oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Furitaanka  Xafladda oo ka dhacday xarunta Aqalka sare ee Degmada Shibis waxaa  galay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare, Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Madaxweynaha Galmudug iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

Madaxwaynaha  oo furitaanka kalfadhiga qudbad ka jeediyay ayaa xildhibaanada aqalka sare ugu baaqay in ay ka miri dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com