Faahfaafin: Hoobiyeyaal lagu garaacay Teendhada Afisyoone oo ay ku shirayaan DFS iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada

HomeWararka

Faahfaafin: Hoobiyeyaal lagu garaacay Teendhada Afisyoone oo ay ku shirayaan DFS iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada

Hoobiyeyaal ayaa lagu soo tuuray saaka xerada ciidamada cirka ee Afisyoone oo uu goor dhawayd tagay  Maxamed Cabadilahai Farmaajo sida uu kusoo warama

Axmed Madoobe oo ka jawaabay xisaabcelinta DFS ay ka dalbatay maamulada (dhegayso)
GALMUDUG: Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud
Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Puntland? (Daawo)

Hoobiyeyaal ayaa lagu soo tuuray saaka xerada ciidamada cirka ee Afisyoone oo uu goor dhawayd tagay  Maxamed Cabadilahai Farmaajo sida uu kusoo waramayo wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan waabari.

lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay Hoobiye yaashan lagu soo tuuray xerada ciidamada Cirka ee Afisyoone oo gaarayay ilaa iyo afar Hoobiye

Ciidamada AMISOM ee sugaya amniga Teendhada Afisyoone iyo kuwa madaxtooyada ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo goobtii laga soo tuuray Hoobiye yaasha.

Shirkan Teendhada Afisyoone ayaa u dhexeeya DFS iyo Maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfurgalbeed, Hir-shabeele iyo gobolka Banaadir, waxaana kamaqan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay shirkan walaacna ka muujiyay Amniga goobta shirka.

Beesha caalamka ayaa waxa dadaalo la’isugu soo dhaweynayo madaxda Soomaalida ee siyaasada isku diidan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: